Cristiano Ronaldo oo loo sheegay inuu iska iloobo Man United.

Filed under: Sports,Sports featured |

cr-forget

Kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in aysan marna ogolaan doonin in laacibkooda weyn Cristiano Ronaldo inuu dib ugu laabto kooxdiisi hore ee  Manchester United xagaaga soo socda, sida qortay Goal.com

Macalinka kooxda Old Trafford Louis van Gaal ayaa si  sheegay inuu xiiseynayo 29 jirkaan isbuucii hore, laakiin kooxda heysata Champions League ayaa meesha ka saartay suurtogalnimada uu Ronaldo uga tagi karo Bernabeu dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana ay xitaa diideen inay ka hadlaan qiimaha weeraryahanka.

Ronaldo ayaa hore u sheegay inuu jecel yahay kooxdiisa hore lagana yaabo inuu mar uun dib ugu laabto basle waxa jira in xidigaan uusan  xiriir toos ah aan la laheyn madaxda Madrid

CR7 ayaa dhowr jeer qirtay jaceyla uu u qabo United taasoo keentay rajada Reds Devils ee ah inuu ku laabto Old Trafford.

United ayaa rajo la leh in dib u la soo wareegto Ronaldo oo  sannadii 2013 ka soo huleelay balse waxa dhibaato ah qandaraska cusub ee uu CR7 la galay kooxdisa e ah  shan sanno oo cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *