Chelsea oo 48 Milyan Ku Doonayso Raheem Sterling.

Filed under: Sports,Sports featured |

Kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay miiska soo saartay dalab ay ku doonayso ciyaaryahanka weerarka naadiga Liverpool ee lagu magacaabo Raheem Sterling.

Chelsea ayaa soo bandhigtay dalab lacageed oo dhan 48 Milyan oo gini oo ay qorsheenayso inay kula saxiixato xidiga da’da yar wadanka Ingiriiska iyo kooxda Liverpool Raheem Sterling kaas oo horumar ka sameenaya mehraddiisa.

Wargayska Daily Express ayaa qoray in Tababare Jose Mourinho uu raadinaayo sidii uu ku helli lahaa ciyaaryahan da’yar oo tayo leh waxaana uu rumaysan yahay ama u arkaa Raheem Sterling inuu yahay kan ugu horeeyo xidigaha da’da yar adduunka.

Real Madrid iyo PSG ayaa sidoo kale xiiseenaya saxiixa Raheem Sterling oo 19 sanno jir ah waxaana weeraryahankaan uu noqday bartil maameedka naadiyada waaweyn qaaradda yurub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *