Qarax ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Filed under: Featured,Somali News,Somali News featured |

Labo xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku geeriyootay Qarax xoogggan oo 3-dii habeennimo ee Xalay ka dhacay Xaafadda Ex-kantrool Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa yimid markii ay Saddex ka mid ah Kooxda Al-Shbaab isku dayeen inay Miino ku aasaan meel Isgoys ah, halkaasi oo ay kula qaraxday Laba iyaga ka mid ahaa, iyadoo kii Saddexaadna uu goobta ka baxsaday,sida uu Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) u sheegay Warbaahinta Qaranka.

Waxaa goobta uu Qaraxa ka dhacay gaaray qaar ka mid ah Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir, waxanay sheegeen inay daba gal iyo baaritaanno dheeri ah samayn doonaan, si loo ogaado halka laga soo abaabulay qaraxa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *