Mareykanka oo duqeeyay saldhig ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen

Filed under: Featured,Somali News,Somali News featured |

Ciidamada Mareykanka  ayaa weeraray saldhig laga maamulo isgaarsiinta(radaarka) oo ku yaallla dalka yemen,kadib kolkii mar labaad   maraakiibta dagaalka Mareykanka  ee ku sugan badda Cas lagu weeraray gantaallo.

War ka soo baxay xafiiska  Pentagon ayaa sheegaya in qiimeyn hordhac ah ay muujineyso in la burburiyay sadex goobood oo ay yiilleen isgaarsiinta raadaarka ee   laga hagay gantaaladii lagu tuuray maraakiibta dagaalka mareykanka ee joogay biyaha badda Cas.

Xafiiskaasi ayaa xaqiijiyay  in in bartilmaamedeku ahaa xagaa dhulka ee ay maamulaan fallaagada  Xuutiyiinta ee ay taageeraan dowladd Iiraan,waxaana intaa la raaciyay in duqeynta marerykanka ee dalka Yemen ay ogolaansho uga heleen Madaxweyne Obama.

Sarkaal u hadlay mareykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabi doonaan cabsi kasta oo ay dareemaan maraakiibta dagaal ee Mareeykanka,waxaana inta uu ku daray in duqentaasi ay tahay calaamad muujineysa ilaalinta danaha biyaha badda Cas iyo maraakiibta dalkaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *