Mascherano oo Barcelona heshiis cusub u saxiixay

Filed under: Sports,Sports featured |

Barcelona ayaa xaqiijisay inay heshiis kor dhin wada gaareen xiddigeeda jookarka ah ee Javier Mascherano ka hor inta uusan isniinta saxiixin heshiiska cusub.

32-jirka ayaa ogolaaday heshiis cusbooneysiin 2-sano iyo bar ah kaa uu ku sii joogi doono Camp Nou ee 2019-ka.

Heshiis u dhexeeya laacibka iyo kooxda ayaa la warinayaa in kol hore la gaaray balse waqti ku haboon iyo taariikhda ee sida rasmiga ah loo soo bandhigayo ayaa dib u dhigtay in si rasmi ah loo shaaciyo.

Mascherano ayaa Barca kaga soo biiray Liverpool 2010-kii wuxuuna ka soo muuqday ku dhawaad 300-kulan iyadoo uu weli wax gool ah u dhalin.

Lixdii sano uu joogay kooxda ka dhisan Catalonia laacibka reer Argentina ayaa kula guuleysay afar jeer horyaalka La Liga iyo labo Champions League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *