Liverpool iyo Manchester United oo isubira-tumanaya kulankooda Isniinta

Filed under: Sports,Sports featured |

Kooxaha sida wayn u coltama ee Liverpool iyo Manchester United ayaa isniinta wada yeelan doona kulan ka tirsan Premier League.

Haddaba labada kooxood ayaa warbixintan digniinta ah u soo saaray taageerayaashooda ka hor kulankooda.

“Labada kooxood, taageerayaashooda iyo taageerayaasha kubbada cagta ee daafaha caalamka ayaa si xiiso leh u sugaya kulankan taariikhiga iyo muxibada leh ee u dhexeeya labada isboortiga ugu wayn uguna xifaaltanka da’da wayn.

“Waxaa jira xifaaltan wayn oo u dhexeeya taageerayaasheena waxaana waydiisaneynaa dhammaan taageerayaasheena inay noqdaan kuwa xushmad badan naguna caawiyeen inaan cirib tirno dhammaan dhaqamada nuucyada nacabka iyo isir faqooqa ee kulanka.

“Haddii taageere ay ilaalada ama kaamirada CCTV ku hesho isagoo ku howlan hab dhaqan aflagaado iyo isir faqooq, intaa kaddib waxaa si dhaqsi leh looga saari doonaa garoonka, wuxuu halis ugu jiraa in la xiro.

“Waa kulan aan wax loo dhigo jirin kalandarka Premier League, waxaana dhammaan taageerayaasha uga mahad celineynaa taageeradooda joogtada ah ee kulanka.”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *