Goolhaaye Sam Johnstone oo Mun United heshiis cusub u saxiixay

Filed under: Sports |

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay inay heshiis cusub ka saxiixatay goolhayaheeda Sam Johnstone, waxaana uu 23-sano jirkan qalinka ku duugay heshiis ku eg ilaa bisha June sanadka 2018.

Waxa uu Sam Johnstone doorasho u haystaa inuu sanad kale ku sii darsan karo heshiiskiisa, kaasoo uu ku sii joogi karo garoonka Old Traffrod ee kooxda Man United.

“Goolhaye Sam Johnstone waxa uu Manchester United u saxiixay heshiis cusub oo kooxda ku sii hayn doona ilaa bisha June sanadka 2018, isagoo doorasho u haysta in uu sanad kale ku sii kordhin karo qandaraaskiisa.” ayuu u dhignaa qoraal kooban oo ay kooxda Man United ku xaqiijisay heshiiska cusub oo ay ka saxiixatay goolhaye Johnstone.

Goolhayahan reer England waxa uu ka soo aflaxay xarumaha kala duwan ee da’yarka Man United, isagoo Red Devils ka tirsanaa tan iyo markii uu 10-sano jirka ahaa, waxaana uu haatan ka tirsan yahay Man United heerarkeeda kala duwan muddo 13-sanadood ah, kooxda koowaad ayuuna United u dheelaa haatan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *