| RW. Nuur Cadde oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa sheegay in uu kasoo horjeedo qorshaha lagu doonayo in Shirka Dib u Heshiisiinta loo weeciyo dalka Libiya. |
Ra’isal Wasaaraha KMG ayaa Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuuna shaaca ka qaaday in Madaxweyne C/llaahi Yusuf uu qoorshaynayo inuu Shirka Dib u Heshiisiinta Jabuuti uu u weeciyo dalka Libiya, balse taasi uu si aad ah uga soo horjeedo.. |
Dhicisow on November 20 2008 15:55:45
Halkaan Riix ·
2 Reads ·
|
| Dowladda Keyna oo Ciidamo fara badan soo dhoobtey Xuduudka ay la leedahay Soomaaliya. |
Dowladda Keyna ayaa soo dhoobtay xadka ay la leedahay dalka Soomaaliya, si ay u adkayso Amniga Xuduudkeeda, xili ay Xoogaga Islaamiyiinta weerarois daba joog ah ay ku la jiraan Dowladda KMG, si ay u qabsadaan meelaha Istiraateejiga ah ee ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. |
Dhicisow on November 20 2008 15:52:48
Halkaan Riix ·
4 Reads ·
|
| Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay Maanta dadweyne aad u fara badan ka sameeyeen Bannaanbax ay uga soo horjeedaan Joogitaanka Ciidamada Ethiopia. |
Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho Bannaanbax ay isugu soo baxeen Boqolaal dadweynaha ah oo deggan inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo Calamada duleedka Magaalada Muqdisho, kuwaas oo codsanayey in Ciidamada Gumeysiga Ethiopia laga saaro Dalka soomaaliya. |
Dhicisow on November 20 2008 15:50:14
Halkaan Riix ·
3 Reads ·
|
| Ra’isal Wasaaraha KMG Nuur Cadde oo si lama filaan ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. |
Ra‘iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa goor dhow si lama filaan ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoona dib ugu soo laabashadiisa aanay wax saameyn ah ku yeelan Magaalada, isla markaana sidii caadada aheyd aan wadooyinka loo xirin. |
Dhicisow on November 20 2008 15:45:13
Halkaan Riix ·
3 Reads ·
|
| Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Maanta ka dagay magaalada Khartoom ee Dalka Sudan. |
Madaxweynaha dowladda KMG C/llaahi Yuusuf ayaa saaka gaaray magaalada Khartoom ee wadanka Sudan, kadin markii uu safar aan lashaacin ku aaday dalka Libya.
|
Dhicisow on November 19 2008 11:52:52
Halkaan Riix ·
13 Reads ·
|
| Sideed Dhalinyaro Soomaali Burcad Badeed ahaa oo lagu wareejiyey ciidamada dawlada Kenya. |
Dawlada Britian ayaa waxay ku wareejisay Dawlada Kenya Sideed Dhalinyaro Soomaali burcad badeed ah oo looga shakisan yahay in ciidamada badda ee Britian ay soo qabteen Todobaad kahor. |
Dhicisow on November 19 2008 11:50:42
Halkaan Riix ·
13 Reads ·
|
| Agaasimaha isbitaalka Fiqi ee Magaalada Muqdisho oo Saxaafadda u soo bandhigay gabar ku dhalay buro aad u weyn oo halis ku haysa. |
Agaasimaha isbitaalka Al-fiqi ee magaalada Muqdisho ayaa shalay shir jaraid uu ku qabtay xafiiskiisa uu saxaafada u soo bandhigay gabar ku dhatay buro aad u weyn, wuxuuna sheegay in xaalada caafimaad ee gabadhaas ay laba siyoodba halis ugu jirto. |
Dhicisow on November 19 2008 11:45:20
Halkaan Riix ·
19 Reads ·
|
|
 |
| Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde oo kula taliyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed inuu is casilo. |
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa kula taliyay Madaxweynaha Dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed inuu is casilo maadama uu caqabad ku yahay Nabad ka dhacda Soomaaliya. |
Dhicisow on November 19 2008 05:12:55
Halkaan Riix ·
9 Reads ·
|
| Md. C/llaahi Yuusuf: "Anaga gacmo shisheeye ayaa nagu dhex jira mana rabo hada inaan farta ku fiiqo. |
Madaxweynaha dowladda KMG C/llaahi Yuusuf ayaa si sarbeeb ah oo hadalkiisa laga dareemi karo ku sheegay khilaafka ka dhaxeeyo isaga iyo Nuur Cade ay kadambeyso dowladda Ethiopia. |
Dhicisow on November 19 2008 05:10:21
Halkaan Riix ·
13 Reads ·
|
| Burcad Badeeda Soomaalida oo afduubatay Markab Xamuul ah iyo Madaxa Ciidanka Badda Mareykanka oo ka hadlay. |
Xinhua oo ah Wakaalada Wararka ee Shiinaha ayaa sheegtay in Markab Xamuul oo laga leeyaay Wadanka Hong Kong ay ka afduubteen Burcad Badeed Soomaali ah Gacanka Cadmeed, waana falkii ugu danbeeyay oo lagu afduubto Markabkan, iyada oo ay wali gacanta ku haystaan Burcadu Markabkii Sacuudiga ee siday Shidaalka Cayriinka ah. |
Dhicisow on November 19 2008 05:08:09
Halkaan Riix ·
13 Reads ·
|

| Urur Goboleedka IGAD oo soo saaray Qodobo culus oo Madaxda DKMG ah lagu saarayo cunaqabatayn dhinacyada Safarka iyo dhaqaalaha ah. |
Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maanta Kulan ku yeeshay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dalalka ku Bahoobay Urur Goboleedka IGAD, waxayna ka soo baxay Qodobo aad u culus oo lagu cadaadinayo Madaxda DKMG ah, gaar ahaan C/laahi Yuusuf Axmed, qodobadaas oo xambaarsanaa cunaqabatayn dhinacyada Safarrada iyo dhaqaalaha ah. |
Dhicisow on November 19 2008 05:05:47
Halkaan Riix ·
10 Reads ·
|
| Maxaabiis dil ku xukunnaa oo ka baxsatay xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso. |
Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ka baxsaday 8 Mabxuus oo labo kamid ah ay ahaayeen gacan ku dhiiglayaal 3 kalena ay ahaayeen Burcad badeed halka 3-da kalena ay ku kala eedaysnaayeen fal dambiyeedyo kala duwan, waxaana baxsadka 8-da Maxbuux xaqiijiyay maamulka Puntland. |
Dhicisow on November 19 2008 05:03:41
Halkaan Riix ·
10 Reads ·
|
| Xildhibaan Cali Maxed Geedi oo Barlamanka ku eedeeyay in ay si xun ula dhaqmeen xukuumada Nuur Cadde. |
Xildhibaan Cali Maxed Geedi oo ahaa Ra’iisul wasarihii hore ee dowlada KMG ayaa Barlamaanka ku eedeeyay in si sharciga aan waafaqsanayn ay ula dhaqmeen Xukuumada Nuur Cadde isagoo si weyn u uga sii horjeestay hadalka madaxweyne Yuusuf oo ahaa in uu xukuumada kala diray. |
Dhicisow on November 19 2008 05:01:24
Halkaan Riix ·
11 Reads ·
|
| Wasiirka arimaha dibada Talyaaniga oo shaaca ka qaaday in ay xoog ku soo furan doonaan 2 Haween oo Soorooyin ah ee afduubka looga haysto. |
Franco Faratini oo ah Wasiirka arimaha dibada Taliyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay howlgan milatari oo ka samayn doonaan Soomaliya si ay u soo furtaan labo muwaadiniin Taliyaani ah oo ay kooxo hubaysan ka soo qafasheen xuduuda u dhaxey Soomaaliya iyo Kenya mudo hada lagu joogo labo Isbuuc ku dhawaad. |
Dhicisow on November 19 2008 04:58:55
Halkaan Riix ·
13 Reads ·
|
|